Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha barlamaanka oo iclaamiyey guddi isku soo dubarida kulanka magaalada Baydhabo xildhibaanada barlamaanka au ku yeelanayaan.

Gudoomiyaha baarlamanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku dhawaaqey guddi isku dabarid ku sameeya kulanka xubnaha barlamaanka Soomaaliya ee lagu wado in ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa la sheegayaa in magacaabistiisa ay ka wada tashteen madaxweynaha kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayadoo madaxweynaha uu ansixiyey gudigaasi sida warar soo baxaya ay sheegayaan.

Gudigan ayaa waxa isugu jira wasiiro iyo xildhibaano iyo waliba ra'isulwasaare ku xigeenka waxaana madax u ah ra'isulwasaare ku xigeenka : Max’uud C/laahi Jaamac (Sifir) iyo C/rashid Cirro oo ah gudoomiye ku xigeenka gudigan ayadoo xubnana ay ka yihiin gudigan : C/rashiid Cirro, C/laahi Balck Xubin,C/qadir Nuur Caraale iyo Mukhtaar Max’ed Yuusuf Xubin


Magacaabista gudigan ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi uusan ku qanacsaneyn, isagoo laga soo xigtey in arintan ay aheyd masuuliyadiisii taasi oo lagu tilmaamey inay tahay mid astaan u ah qilaaf hor leh.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM