|
Ra'isulwasaare Geeddi oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Fall iyo
wafdigiisii.
Ra'iisul Wasaare Geedi oo saxaafada la hadlayay markii uu soo dhamaaday
kulamadii uu la qaatay Fall iyodiblomaasiyiintii l socotay ayaa sheegay in
ay kawwada hadleen isaga iyo wafdiga dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen
dib u hishiinta iyo waliba sidii beesha caalamka uga saacidi lahayd dowladda
fedaraalka KMg ah ee Soomaaliya dhinaca dib usoo nooleynta hay'adaha
aasaasiga ah.
waxaan isla soo qaadnay aniga iyo wafdigan uu horkacayo Fall arrimo fara
badan oo ay ka mid ahaayeen sii wadida dadaalada dib u hishiinta iyo sidii
beesha caalamka ay gacan uga siin lahayd dowladda fedaraalka dhinaca dib u
dhiska iyo dib usoo celinta kaabayaashii dhaqaalaha dalka ee burburay isagoo
intaa raaciyey inkulankii ay wada qaateen uu kusoo idlaatay is afgarad.
Warar aan la hubin ayaa waxa ay sheegayaan in
ra'isulwasaaraha uu aqbalay go'aankii gudoomiyaha ee ahaa in
Baydhabo kulanka lagu qabto taasi oo u muuqata haddii ay dhacdo in lasoo
afjaray qilaafkii xukuumada KMG ah. Warar goor dhow aanu ka helnay magaalada
Jowhar ayaa sheegaya in wafdigii Faransio Fall uu hogaaminayey ay ka
ambabaxeen Jowhar ayna dib ugu laabteen magaalada Jowhar oo kolkii hore ay
kasoo kicitimeen.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|