|
Ra段sulwasaaraha Geeddi oo kulan la qaatay xubnaha labada gole ee Jowhar.
Ra段sulwasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa
maanta kulan isugu yeeray xubnaha labada gole ee dawlada federaalka KMG ah
ee Soomaaliya si uu faahfaahin dheeraad ah uga siiyo safarkii isaga iyo
wafdi uu hogaaminayey ay ku tageen magaalada Adis ababa ee caasimada wadanka
Itoobiya.
Ra段sulwasaaraha oo kulankan shir gudoominayey ayaa waxaa loo diiday in
saxaafada ay goob joog ka ahaato ayadoo saxaafada lagu amray in dibada ay ka
joogto halka kalfadhiga xubnaha labada gole uu ka dhacayo ee xarunta dolwada
ee magaalada Jowhar.
Ra段sulwasaaraha ayaa sheegay kulankaasi ka dib in xarunta dawlada
federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay tahay magaalada Jowhar laakiin kalfadhiga
barlamaanka uu ka dhacayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Hadalka ra段sulwasaaraha ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey xubnaha labada
gole ee halkaasi ku sugan ayadoo shacabka Soomaaliyeedna ay si weyn usoo
dhaweeyeen hadalka ra段sulwasaaraha ayagoo ku tilmaamay mid horey ay u
sugayeen.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|