Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra段isal wasaare Geeddi iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaalkacyo ka degay Maanta iyo kulamo ay gaalkacyo ku yeesheen madaxweynaha iyo wafdiga Geeddi.

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaa in Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaare Geedi oo saacado ka hor ka ambabaxay magaalada Jowhar ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo.

Ra段isal wasaaraha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ahaa Wafdigiisa wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Jurille, Wasiirka shaqada Saalax Cali Faarax, Wasiirka dekkedaha Cali Cismaan, Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta Maxamed Maxamuud Xeyd iyo xubno kale.

Wafdigani uu hogaaminayo Ra'isal wasaare Geeddi ayaa markii ay kasoo degeen garoonka waxaa gudbiyay halkii loogu talo galay in ay ku nastaan, iyadoo amniga magaalada Galkacyo aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi uga horeeyay Madaxweynaha oo isagu dhowaanahan Xarun KMG ah kadhigtay Gaalkacyo.

Ka dib markii ay wada nasteen Geeddi iyo wafdigiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu kulan balaaran halkaasi ku dhex maray Mas置liyiintaasi inkastoo kulankaasi aanan la ogeyn wixii kasoo baxay.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo ra段isal wasaaraha ay kawada hadleen waxa dhaliyay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamanka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa lafilayaa in uu dhex dhexaad toos ah kawada sameyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ra段isal wasaare Geeddi, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dhowaan gaari doono Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo lagu soo waramayo in uu ugu yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.