|
Ra'iisal wasaaraha Dowladda KMG ah Prof. Geedi oo dib ugu soo laabtay Jowhar.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Kmg ah ee Soomaaliya prof. Cali
Maxamed Geeddi ayaa Maanta Barqadii ka soo dagey Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Jowhar.
Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa wuxuu ka soo duulay Garoonka Magaalada
Gaalkacyo ka dib markii ay u soo idlaatay Socdaalo shaqo oo qaatay muddo
Todobaad ah kaasoo uu ku tagey Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinayay xubno
ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka Kmg ah ee Soomaaliya iyadoo
garoonkuna ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah xubnaha goleyaasha Dowladda
iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa intii uu joogay magaalada Gaalkacyo waxuu
kulamo la soo qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Kmg.ah ee
Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka
Kmg.ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan kulamadaasi oo ahaa kuwa
xiriir ah ayaa ugu dambeyntii waxay si wada jir ah u soo wada saareen qoraal
todobo qodob ka kooban oo ay ugu weyn tahay in laga wada shaqeeyo Qabsoomida
kulanka Dabayaaqadda Bishan uga Furmaya Magaalada Baydhabo Golaha
Baarlamanka Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
|