Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra'isulwasaare Geeddi ,Maxamed dheere iyo wafdi uu horkacayeen oo Jowhar kusoo laabtay.

Ra'isulwasaaraha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi,gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb iyo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa maanta duhurnimadii dib ugu soo laabtay magaaladaJ owharee xarunta dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Xubnahan ayaakaoso duulay magaalada Adis ababa ooay wada hadalo kula soo yeesheen ra'isulwasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo xukuumadiisa ka tirsan ayadooaan laga warqabin waxyaabaha dhabtaah ee ay kala soo hadleen.

Ra'isulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar waxaa si wacan ugu soo dhaweeyey dadweyne aadu fara badan,mas'uuliyiinta ururada haweenka,dhalinyarada iyo ardayda ayadoo sidoo kalena ay si weyn usoo dhaweeyeen xubnahalabada gole ee halkaasi ku sugan.

Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socday ayaa lagu soo waramayaa in dawlada Itoobiya ay kasoo dhadhicisay in magaalada Baydhabo ay tagaan isla markaana ay kaga qeyb galaan kulanka baarlamaanka ee halkasi ka furmaya 26-ka bishan aynu ku jirno.

Ra'isulwasaaraha iyo xubnihii la socday ayaa la filayaa in warfidiyeenada ay la hadlaan xiliyada ay soo socdaan si ay warbixin uga dhiibaan waxyaabihii kasoo baxay safarkooda ayadoo ra'isulwasaaraha sidoo kale lagu wado in kulan uu la qaato xubnihiiisa golaha wasiirada ee Jowhar kusugan si uu war bixin uga siiyo safarkii Itobiya uu ku tagay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM