Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulankii Baarlamaanka FS ayaa ka biloowday magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobalka Bay

Kulankii waayahaan la saadaalinayay inuu qabsoomo 26 Feb 2006 ayaa lagu guuleystay in la furo duhurnimadaan saacada geeska Afrika marka ay aheyd 12:40 pm ilaa iminkana waxaa socda qudbado ay jeedinayaa qaar ka mid ah xubnaha dowlada ka tirsan iyo marti sharaf ka soo qeyb gashay kulankaas.

AMAANKA MAGAALADDA BAYDHABO

Walaa lagu arkayaa guud ahaan magaalada Baydhabo ciidamo labisan labis gaar ah oo si wanaagsan u ilaaliya waxyaabaha magaalada soo galaya iyo waxyaabaha ka baxaya, waxaana si aad ah ay ciidamadaan u ilaalinayaan agagaarka ADC-da ee kulanka uu ka socday.

FURITAANKA KULANKA

Furitaankii Kulankaan oo aayado qur'aan ah laga jeediyay ayaa waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Baarlamanka FS oo sheegay in kulanka uu furan Yahay, waxaa mikrafoonka lagu soo dhaweeyay fanaanka caanka ah ee Maki Xaaji Banadir oo gabayo xildhibaanada ka yaabiyay ka jeediyey halkaasi.

QARAMADA MIDOOBAY

Mr. Fall ergayga QM u qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa ka mid ahaa marti sharafta kulanka maanta maagaalada Baydhabo ka hadashay, waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qabsooomida kulankaan waqtii loogu tala galay u qabsoomay waxuuna u rajeeyay xubnaha labada gole ee dowlada fikirka isku qilaafnaa iney kulankaan ku heshiiyaan.

JAAMACADA CARABTA

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay wakiil ka socda Jaamacada Carabta isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ay ka dhabeeyeen heshiiskii ay ku soo gaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin talaabo kasta oo dib loogu dhisayo wadanka Somalia.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay madaxweynaha dowlada Yeman Cali Cabdalla Saalax isagoo ku sugan Caasimada Sanca uguna qeyb qaadanayay qadka Telefoonka waxuuna sheegay.

Wafduuda beesha Caalamka ee kulankaasi ka qeyb qaadaneysa ayaa waxaa ka mid ah Ergeyga Q.M u qaabilsan arimaha Somalia Farancois Fall, Danjirayaasha dowladaha Kenya, Italy, Yemen iyo xubno kale oo ka socda wadamada Deeqaaha Bixiya ee reer Yurub.

IGAD

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Wakiil ka socda IGAD isagoo salaamay dhamaan mudanayaasha iyo marti sharafta kale ee dowladda FS, waxa uuna guul u rajeeyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka iyo dhamaan xubnaha dowlada FS.

FANAANIINTA

Fanaaniinta Reer Baydhabo ayaa kulanka maanta si diiran heeso wadani ah ka qaadayaan waloow ay jiraan fanaaniin ka tagay magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Abwaanka marna fanaanka ah Maki Xaaji Banaadir oo halkaa saakay wacda ka muujiyay gabayo dhiira galin ahna ka jeediyay furitaanka kulanka.

GEEDI

Waxaa kaloo kulanka maanta ka hadlay Ra'iisul wasaaraaha dowlada FS Cali Max'ed Geedi waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guul weyn oo ummada soomaaliyeed u soo hoyatay ay tahay in kulanka baarlamaanka uu ku qamsoomo arlada soomaaliya meel ka mid ah qaasatan gobolka Bay xaruntiisa Baydhabo.


Waxuu kaloo Dr Geedi shacabka soomaaliyeed ka codsaday iney cafiyaan xukuumadiis isagoos sheegay in markii xukuumada FS dalka Kenya lagu soo dhisay xubnaheeda khilaaf siyaasadeed kala geeyay balse manta ay yihiin kuwo isku mid ah oo hal meel ku wada cunteynayaan waa sida uu xusay.

Madaxweyne Yuusuf

Madaxweynaha dowlada FS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isagana kulanka manta ka hadlay waxa uuna sheegay iney is cafiyaan xubnaha dowlada labada garab u kala jabay, waxuuna sheegay in la abuuro ilo dhaqaale oo dalka ah si xukuumada FS ay ugu kaaftoonto kaalmo ama gacansiin ay ka hesho dalal dibada ah.

Madaxweyne Yuusuf waxuu kaloos sheegay hindisaha koowaad ee qorshaha u dejisan uu yahay xal u helidda ammaanka dalka , iyadoo Tallaabooyinka xiga ay noqon doonaan waxa uu ku sheegay dib u heshiisiinta iyo Horumarinta si loo hirgeliyo Mashaariic horumarineed oo waxyaabo badan qabta.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu ammaanay Talaabada ay qaadeen Xubno ka tirsan dowladda Fs oo howla nabadeed ka fuliyay Gobolada dhexe , maantana soo afmeeray colaadii u dhaxeysay Beelaha Sacad iyo Saleebaan , isagoo ku sheegay magacyada mudanayaashaasi Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Cismaan xassan Cali Caato , Wasiirka Horumarinta reer Miyiga xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed ( Gacma Dheere) , Wasiiru dowlaha Dekadaha Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ,Xildhibaan Cali Calas Qaarey , Xildhibaan Xaaf iyo Xildhibaan Nageeye iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Gaba Gabo

Kulanka manta ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay is hor fadhiistaan xubnaha labada gole ee dowlada FS ka dib markii ay u kala jabeen laba dhinac Muqdisho iyo Jowhar.

Hadaba maalinimada bari ah iyo waxyaabaha la iskula soo hadal qaado kulanka dhici doona wararkeyga dambe ayaad si live ah ugula socondoontaan Insha Allah

Abdifitahaam Ahmed
Baidabo
abdifitahaam@yahoo.com
Mobile: +2521277001