Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Nin Sameeyey Duulimaadkii ugu dheeraa Adduunka oo Nabad ku soo fariistay Dhulka

Ninka lagu magacaabo Steve Fossett oo ah nin muddo badan sameeyey socdaallo badan kuna gaaf wareega Dunida ayaa Todobaadkan wuxuu sameeyey Duulimaadkii ugu dheeraa ee aan hakad lahayn ee la sameeyo inta la ogyahay. Steve waxaa uu watey Diyaarad uu isagu leeyahay oo uu ku duulayey Masaafo Gaareysa 26,389 miles isagoo hawada ku jirey Muddo dhan 76 saacadood oo aan joogsi lahayn (non stop)

Steve waxaa uu jabiyey Record-kii uu yaaley duulitaanka hawada kaasoo ahaa 24,987 miles. Steve Fossett waa Millionaire ah isla markaana jecel inuu meel sare ka gaaro duulimaadkan oo uu doonayey inuu sii wato hase yeeshee Cillad ku timid Diyaaraddii uu watey ayuu si deg deg ah u fariisyey goobta lagu magacaabo Bournemouth International Airport oo ku taalla Koonfurta England.

Steve waxaa u damacsan yahay inuu sii wato Socdaalkiisan ka dib marka loo Sameeyo Diyaaraddiisa oo haatan u baahan Dayactir aan badnayn.

 

RSTV NEWSROOM