|
Dayaarad shixnado kala duwan sidda oo Baydhabo kasoo degetay
maanta.
Wararka ka imanaya magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa
sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ay ka soo dagatay Diyaarad
nooca xamuulka ah oo iyadi sida wararka ay sheegayaan in ay siday Hub iyo
Darasyka ciidanka ay xirtaan ee Loo yaqaan Tuutaha.
Diyaaradaan ayaa waxa sidoo kale sida ay wararku sheegayaa in aan ilaa
hadda aanan la garan halka ay ka timid waloow dadka ku dhaqan magaaladda
Baydhabo ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan diyaradasi halka ay ka timid
iyo wadanka ay ka timid intuba.
Xubnaha labada gole ee ku sugan magaaladda Baydhabo ee iyagu ka soo
jeedaa beelaha Digil iyo Mirifle ayan ilaa hadda aanay ka hadlin diyaradaan
maanta soo gaartay magaaladda Baydhabo.
Diyaaradaan maanta soo gaartay magaaladda Baydhabo ayaa waxaa ay kusoo
beegmaysaa xilli uu halkaa ku sugan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo wasiirada dowladda
ku meel gaarka ah.
Waa markii ugu horaysay ee diyaarad noocaan oo kale ah sida shixnado kale
ay soo gaarto magaaladda Baydhabo xilli lagu wado in halka au ka furm
Kafhadhigii koowaad ee golaha baarlamaanka.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|