Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

         Dagaal maanta ka dhacay Muqdisho.

Waxaa sare u kac uu ku yimid tirada dadkii maanta ku waxyeeloobay dagaalkii maanta ka qarxay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshadii hore ee kabka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan wararka haatan nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in ay geeriyootay 8 ruux 9 kalena uu dhaawacyuo kala duwan uu soo gaaray ayadoo dagaalka wali uu soconayo dhawaqa rasaastuna magaalada laga maqlayo.

Gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka banaadir Sheekh Shariif Sheeekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inb dagaalkan laga soo fangareynayo dibada isla markaana la adeegsanayo qaar ka mid ah qabqablayaashii hore ee dagaalka ee iminka wasiirada noqday.

Waxaa Sheekk Sharif uu sheegay in dagaalkan maxaakiimta lagu soo qaaday isla mar ahaantaana la doonayey in la wiiqo howlaha umada ay u hayaan ,isagoo ugu hanjabay kuwa maxaakiimta la doonaya in cagta ay ka hoos mariyaan arintaasi aanay usuuroobi doonin cid kastoo ay soo kaashadaan.

Ayadoo gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ahi sedan sheegayo ayaa dhinaca kale waxaa arin taa ka duwan ku hadaaqay ninka hor kacaya maleeshiyada dagaalka kula jirta maxaakiimta Cabdi Wal oo isagu ku can baxay hor istaaga howlaha maxaakiimta ayadoo laga warqabo in horey uu u qaarjiyay taliyihii ciidamada maxmakada islaamiga ah ee Ifka xalane Xirsi Lugay,waxaa ninkan uu sheegay in lasoo weeraray isaga oo ku sugan xaruntisa isla markaana maxaakiimtu ay doonayeen in ay dilaan laakiin uu ka badbaaday shirqoolka maxaakiimta ay u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee madaafiicda labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac rayidka ku dhaqan xaafadaha dagaalka soo gaaray.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM>