Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Warar kala duwan oo kasoo baxaya dagaalkii u dhaxeeyey maxaakiimta iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee Muqdisho lagaga dhawaaqay.

Waxaan wali la hubin Xaalada Qasaaraha uu geystay Dagaal Saakay dib uga bilowday Deegaanka Dayniile iyo agagaarkiisa kaasoo udhexeeya Maleyshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa Isbaheysiga lamagacbaxay Isbaheysiga soocelinta Nabada iyo ladagaalanka Argagixisdada.

Dagaalkii Maanta oo ka xoog badnaa kii sabtidii dhacay ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Xaafado kale oo ku yaala Magaalada sida Suuqa weyn ee Bakaaraha oo dhawr Madfac lagusoo riday halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad ka badan Shan qof,sidoo Kalena Waxa ay Rasaas habow ah ku dheceysay Xaafadaha ay dadku ku badan yihiin sida Blackcii,Baar ubax,Xamar jadiid,Taleex ,kpp iyo kuwo kale.

Waxaa jira Guulo ay kala sheeganayaan labada dhinac inkastoo aan laysku haleyn karin Hadana dad goobjoogayaal ah oo labada dhinac ka madaxbanaan ayaa waxay sheegeen in Dagaalkii Maanta lagu kala qabsaday Gawaarida dagaalka iyo Dhul ku yaala goobihii lagu diriray.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee cisbitaalka Madiina ayaa iyaguna waxay sheegeen inuu cisbitaalku buuxsamay oo dadka qaar dhulka la jiifiyey,waxaa kaloo gabaabsi ah dawooyinkii dadka dhaawaca ah loogu tala galay.

Sidoo kale cisbitaalada kale sida alxayaat,Keysaney iyo kuwo kale ayaa maanta la geeyey Dad kusoo dhaawacmay dagaalka kuwaasoo ubadan dad rayid ah oo aan dagaalka ku jirin kuwaa oo ay rasaastu ugu tagtay Guryahooda.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM