Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Boqolaal shacab ah oo maanta ku hungoobay in Geeddi ay kusoo dhaweeyaan magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo doonayey in ra'isulwasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ay kusoo dhaweeyaan magaaladaasi ay ku hungoobeen ka dib markii lagusoo war geliyey in ra'isulwasaaraga oo magaaladaasikusoofool lahaa uuu weecday magaalada Jowhar ee xarunta dolwada federaalka.

Boqolaal dadweyne oo garoonka Gaalkcayo tagay saaka saacadu markii ay ku beegnayd 8:00 ee subaxnimo taagnaana muddo ka badan 5 saacadood ayaa halkaasi isaga soo huleelay ka dib markii markii saacada markii ay ku beegnayd 1:00 duhurnimo lagu wargeliyey in ra'isulwasaaraha uu ka dagay garoonka dayaaradaha ee magaalada Jowhar.

Ra'isulwasaaraha ayaa garoonka dayaaradaha Gaalkacyo waxaa ku sugayey wasiiro,xildhibaano ka kala socday dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland waxaana dhamaan dadkii halkaasi ku sugayey ra'isulwasaaraha ka muuqanayey niyad jab aad u ballaaran ka dib markii ay ku hungoobeen imaatinkiisa.

Sidoo kale dadweyne kale oo boqolaal gaaraya ayaa ra'isulwasaaraha ku sugayey dariiqyada si ay u arkaan ra'isulwasaaraha oo magaaladooda soo booqda waxaana ay wateen boorar ku xardhanaayeen mudane ra'isulwasaare ku soo dhowow magaaladaada Gaalkacyo.

Lama yaqaano sababaha rasmiga ah ee ra'isulwasaaraha uu uga weecday magaalada Gaalkacyo ayadoo la filayey in marka ra'isulwasaaraha uu soo gaaro magaalada Gaalkacyo ay isaga iyo madaxweynaha iyo u kicitimaan magaaladaGaroowe ee xarunta Puntland.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM.