Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

5 qof oo ku geeriyootay iska hor imaad ka dhacday duleedka Degmada Dhoobley.

Warar ka imaanaya deegaanka Dhoobley ayaa sheegaya 5 qof in ay ku geeriyoodeen, 3 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal ku dhex maray laba maliishiyo duleedka deegaanka Dhoobley.

Iska hor’imaadkan hubaysan ee dhex maray labada maliishiyo ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay maliishiyooyin isbaaro u tiilay deegaanka lagu magacaabo Xaarxaar oo dhac u gaystay gaari mini bas ah oo marayay deegaankaas, taasoo keentay maliishiyooyin kale oo kale oo laga abaabulay degmada Dhoobley weerar in ay ku qaadaan maliishiyooyinkii dhaca u gaystay gaarigaas.

Warar aanu ka helnay deegaanka Dhoobley ayaa sheegaya iska hor ‘imaadkaas in ay ku geeriyoodeen 3 ka tirsan maliishiyooyinkii isbaarada dhigtay deegaanka Xaarxaar laba kalena ay ka dhaawacmeen, halka laba dabley ay ka geeriyoodeen maliishiyooyinkii weerarka soo qaaday mid 3aadna uu ka dhaawacmay.

Wararka ayaa intaa kudaraya maliishiyooyinkaas isbaarada dhigtay deegaanka Xaarxaar in ay dhibaato badan ku hayeen dadka iyo gawaarida adeegsada wadadaas oo ay u gaystaan dhac iyo boob.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM