Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ayaa sheegaya ku dhawaad 6 ruux in gaajo iyo harraad ay ugu geeriyoodeen deegaano hoos taga gobolka Bakool.

Abuu Bakar Cabdi Aadan oo kamid ah odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed kuna sugan Bakool ayaa sheegay dadka ku dhaqan gobalkaasi in ay u geeriyoonayaan gaajo iyo harraad, taasoo ka dhalatay abaarta daran ee ka jirta deegaanadaasi, iyadoo gabi ahaanba dadku ay ka baaba`een xoolihii noloshooda ku tiirsanayd.

Abuubakar waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah si loo samata bixiyo nolosha boqalaal kale oo laga cabsi qabo in ay u dhamaadaan gaajo iyo harraad.

Hadalka hogaamiye dhaqameedkan ayaa soo baxaya xili Hay`ad laga leeyahay dalka Kuweyt ay waddo barnaamij gar gaar loogu fidinyo dadka abaaruhu ay ku hayaan gobollada koonfurta Soomaaliya.

Cumar Barqad oo ah mas`uulka hay`adan laga leeyahay dalka Kuweyt u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in hay`adu ay gar gaar ka qeybisay 7 tuulo oo hoos taga gobalka Bakool, iyadoo barnaamijkaasina ay ka faai`deysteen dad gaaraya 2650 Qoys iyadoo la gaarsiiyay raashiin ku filan muddo bil ah.

"xajmiga dhibaatadaas waxa ay ka weyn tahay waxyaabaha ay soo bandhigayaan warbaahinta caalamka" ayuu yiri Mr Barqad oo intaa raaciyay dhibaatadaas in aan tilmaan laga bixin karin.

Cumar Barqad ayaa intaa ku daray in uu goob joog u ahaa oday da’ ah oo gaajo iyo harraad darted ay u soo weerareen dugaag duur joog ah.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM