|
Ciidamo ah ilaalada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha maanta ka
ambabaxay Jowhar.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka KMg ah
ee Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi ka dhoofeen ciidamo qaar
ka mid ah horey ugu xareysnaa xerada Kongo ee ku taalla duleedka magaalada
Jowhar ayagoo kusii jeeda magaalada baydhabo.
Ciidamadan maanta ka dhoofay magaalada Jowhar oo tiradoodu ay gaareysay
150 askari ayaa waxaa horkacayey abaanduulaha cidamada militeriga dowlada
kmg ah ee Soomaaliya Ismacil Qasim naaji.
Ciidamadan maanta ka duulay magaalada jowhar ayaa qeyb ka qaadan doona
sugida amaanka madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha oo ayagu la filayo in
maalinta sabtida ah ay gaaraan magaalada baydhabo.
Ciidamadan ayaa ah kuwo bilihii lasoo dhaafy oo dhan ku xareynaa xerada
Kongo halkaasi oo tababar ciidab ay ku qaadanayaan waxaana iminka ay ku
biirayaan cidamao dowladu leedahay oo laga keenay magaalooyinka Waajid iyo
Xudur kuwaasi oo dhawaan Baydhabo dhawaan soo gaarey.
maxamed cade.
MUDISHO
|