Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka ayaa si kama' ah Xabbad ugu dhuftey nin  isagoo Ugaarsanaya.

Sida ay Faafiyeen warbaahinta ka soo baxda gobolka Texas ee Galbeedka mareykanka Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Dick Cheney ayaa xabbad si aan ula kac ahayn ugu dhuftey Ninkale iyagoo markaasi ku guda jirey Ugaarsi iska Caadi ah oo ay ugaarsanyeen Shimbiraha waaweyn ee Duur joogta ah.

Ninka ay Xabbaddu haleeshey oo ah nin da'weyn oo 78 jir ah laguna magacaabo Harry Whittington  ayaa la sheegey in xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla meel aan ka fogeyn halkii shilku ka dhacey, waxaana hadda socda baaritaan ay wadaag  booliiska Degaankaas.
cheney-scooter-hunting500II.jpg {Sawirkani wuxuu miijinayaa Mr. Chiney oo la hadlaya wariyeyaasha Qolkii uu Jiifey Ninkii Dhaawacmey}

Sida Caadiga ah Madaxda Mareykanku maalmaha aaney shaqeynin iyo xilliyada ay firaaqada yihiin waxaa ay wakhti ku qaataan inay Ugaarsadaan amaba ay kalluumeystaan iyagoo isku raaca koox koox ama kali kali si ay u qaataan wakhti iyagoo baananada wareegaya.

RSTV NEWSROOM