Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Haweeney iyo 3 caruur ah oo ay dhashay oo afduub loogu heysto degmada Madiina ee Muqdisho.

Wax garad ay qaraabo yihiin haweeneey in Muddo ah Afduub loogu heysto Xaafadda Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay ka dalbadeen wax garadka Beesha ay kasoo jeedaan Maleeshiyooyinka Afduubka ku heysta Haweeney lagu magacaabo Xaawo Xasan iyo 3-caruur ah oo ay dhashay.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonyahay waxaa horey falkan afduubka ah leysku dayay in lagu fuliyo haweeneydani ninkeeda oo iminka Dalka Dibaddiisa kusugan kadib markii uu ka baxsaday Maleeshiyooyinkaasi.

Xaawo Xasan ayaa lagu heystaa Document Dhul oo kakooban 2-boos ahna garaash ayaan xaaladeeda laga warqabin iyadoo caruurtana aysan caafimaadkooda wanaagsaneyn, waxayna dhowaan abaar uga soo carareen Degmada Afgooye iyagoo soo maciin biday Magaalada Muqdisho si ay biyo iyo Baad uga helaan.

Ugu dambeyntii Dadka laga heysto haweeneydani ayaa ugu baaqay Wasiirada Ganacsiga iyo Arrimaha awqaafta Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) in ay u hawl galaan sidii loo sii deyn lahaa Haweeneydaasi iyo caruurteeda ee lagu heysto xaq darida.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM