Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cusmaan Caato oo gaaray Gelinsoor.

Wasiirka Hawlaha Guud ee dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cusmaan Xasan cali (Caato) oo ay la socdaan Odayaal ka tirsan kuwa Beesha uu kasoo jeedo ayaa Maanta waxay ka ambabexeen Magaalada Gaalkacyo iyagoo kusii jeeda Deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galguduud.

Socdaalka Cusmaan caato ayaa lagu fasiray iney la xiriirto sidii uu hogaamiyayaasha Maleyshiyooyinka Beeshiisa uga dhaadhaacin lahaa iney joojiyaan xabada oo ay qaataan heshiis la doonayo in la dhexdhigo iyaga iyo Beesha ay kula dagaalameen Gobolada dhexe gaar ahaana Mudug iyo Galguduud.

wafdiga Caato ayaa la filayaa Marka ay soo dhameystaan wadahadaladaasi ay dib ugusoo laaban doonaan Magaalada Gaalkacyo si ay wixii ay la kulmaan ugu gudbiyaan Odayaasha deegaanka iyo Wasiirudowlaha gaadiidka Badda iyo dekedaha Maxamed Maxamuud Furux oo isna jooga Magaalada gaalkacyo lana filayo iney isaga iyo Cusmaan Caato isu raacaan Deegaanadii lagu dagaalamay.

Wafdiga Wasiirka hawlaha Guud ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Ducaale Geele[Xaaf] iyo Xubno kale Waana dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey ee ay deegaanadaasi ka fuliyaan Xubnaha Baarlamaanka ugu jira Beelaha Sacad iyo saleebaan oo ah kuwa ku diriray Gobolada Dhexe Meelo ka mid ah.

Dadaalkan ayaa ah mid mudo dheer la sugayey iyadoo lays weydiinayo waxa hada xubnahan kukalifay dadaalkan ee ay usameyn waayeen intii ay geeriyoonayeen kumanaan qof oo labada beel kawada tirsan iyo Barakaca dadweynaha Deegaanka.

Maxamed Cadde.
RSTV MUQDISHO