|
Cusmaan Boqorre " Shariif Xasan isagaa kaligii tashtay, aniga iyo prof.
Dalxa ma uusan nala tashanin, laakin haddii uu nala soo xiriiro maalmaha yar
ee soo socda waan tagaynaa Baydhabo".
Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamanka fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya
Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha golaha baarlamanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan in uusan weli lasoo xiriirin isaga iyo gudoomiye
kuxigeenka 1aad Prof. Max'ed Cumar Dalxa, isla markaana uusan kala tashanin
kulanka baarlamanka ee ka dhacaya maalinta Axada ah magaalada Baydhabo.
Mudane Boqorre waxa uu beeniyay in iyaga dhinacooda ay diidan yihiin ka
qeyb galka kalfadhiga baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ee
kadhacaya magaalada Baydhabo, waxa uuna tilmaamay haddii uu lasoo xariiro
gudoomiyaha baarlamanka, isla markaana uu kala tashado kalfadhiga
baarlamanka in uu tagayo magaalada Baydhabo.
" Shariifka isagaa kaligii tashtay, aniga iyo Dalxa ma uusan nala
tashanin, laakin haddii uu nala soo xiriiro maalmaha yar ee soo socda waan
tagaynaa Baydhabo" ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka
Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre.
mar wax laga weydiiyay dagaaladii maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho
ee u dhaxeeyay midowga maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada waxa uu sheegay in uu ka xunyahay mudo 15 sanadood kadib dhiig
sukeeye in lagu daadiyo magaalada Muqdisho, waxa uuna dib u gocoday
dadaalkii isbaaro qaadista oo ay ku guul daraysteen xubnaha labada gole
garabka Muqdisho.
Cusmaan Boqorre oo sidoo kale la weydiiyay in magaalada Muqdiho joogaan
argagixiso sida ay sheegeen isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxa uu
carabaabay argagixiso in ay joogaan, balse ay yihiin kuwo aad u yar.
kuxigeenka 2aad eeGudoomiyaha baarlamanka fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya
Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa ku gacan sayray dilkii wiilkiisa kal hore loogu
gaystay magaalada Muqdisho in ay ka danbeeyeen argagixiso, balse waxa uu
carabka ku dhajiyay shirqool siyaadadeed in lagu qaarijiyay wiilkiisa.
hadalka Boqorre ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Jowhar ay ka socoto
qaban qaabo loogu jiro safar madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha
labada gole ee dowladda ay ugu socdaalayaan magaalada Baydhabo, iyadoo la
faliyo masuuliyiintaas in ay u ambabaxaan magaalada Baydhabo maalinta
sabtida.
dhanka kale gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamanka Prof. Dalxa ayaa
ilaa iyo weli aan la garanayn mowqifka uu ka qabo kalfadhiga baarlamanka ee
ka dhacaya magaalada Baydhabo, isagoo aan ka hadlin go'aankii gudoomiyaha
baarlamanka uu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee ku saabsanaa kalfadhiga
baarlamanka in uu ka dhaco magaalada Baydhabo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|