Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Prof Cali Maxamed Geeddi oo la filayo in socdaal uu ugu ambabaxo qaar ka mid ah gobollada Dalka.

Wararka ka imanaya xarunta dawladda federalka KMG ah ee Soomaaliya ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya ra’iisalwasaaraha KMg ah ee Soomaliya Prof. cali Maxamed Geeddi in uu isku diyaarinayo oo uu u qalab xidhanayo socdaallo uu ku tagayo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Masuul sare ka tirsan xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo dalbaday in magaciisa aan la shaaca laga qaadin ayaa sheegay socdaalka ra’iisalwasaaraha in uu yimid ka dib markii uu casuumaado ka helay masuuliyiinta gobollada uu booqanayo oo ay ka mid yihiin gobollada Hiiraani,Galguduud iyo Mudug halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in socdaalka ra'iisalwasaaraha uu la xariiro dib u heshiisiin inuu ka dhex furo beelaha gobolada dhexe ku dagaalamaya gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Socdaalka ra'iisalwasaaraha ayaala filayaa inuu qaado maalmo fara badan sida ay sheegayaanmas'uuliyiin xukuumada ka tirsan laakiin mas'uuliyiintaasi ma sheegin xiliga socdaalka ra'isulwasaaraha uu bilaabanayo.

Maxamed Cadde.