Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweyne Bush ayaa booqan doona Idiya iyo Pakistan Todobaadkan.

war ka soo baxey Aqalka Cad ee looga taliyo waddanka mareykanka ayaa lagu qeexay in Madaxweynaha Mareykanka George W. Bush  iyo waliba Afadiisa Laura Bush ay booqan doonaan waddamada India iyo Pakistaan maalmaha ugu horreeya bisha Maarso.

booqashadan ayaa lagu tilmaamey mid wax ka tareysa sidii labada waddan India iyo Pakistan ay si wanaagsan ugu wada noolaan lahaayeen iyagoo marar badan xiriirkoodu uu aad u xumaadey inkastoo wakhtiyadan dambe uu soo hagaagayey. sida ku cad warkan kasoo baxey aqalka Cad Madaxweynuhu wuxuu joogi doonaa Hindiya Muddo Saddex Maalmood ah iyadoo uu madaxda dalkaas kala hadli doonno arrimo badan oo ay ku jirto dhinaca ganacsiga iyo sidii loo xakameyn lahaa fiditaanka Hubka nukliyeerka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Bush wuxuu tagi doonaa waddanka Pakistaan iyadoo la sheegey inuu halkaas joogi doono in ka yar 36 saacadood lagana yaabo in la soo gaabiyo booqashaas haddii loo baahdo. iyadoo ay Pakistaan ay tahay waddan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah.

booqasho tan oo kale ah ayuu madaxweyne Clinton ku tagey Gobolkaas ama labadaas dal sannadku markuu ahaa 2000, iyadoo uu Mr. Clinton uu markaasi ku ekaa oo aanu soo dhaafin garoonka diyaaradaha ee Islamabad markii uu booqanayey Pakistaan, taasna waxay muujineysey sida Mareykanku uu uga soo horjeeday Gen. Perves Musharraf   oo sannad ka hor markaas afgambi ku qabsadey Paakistaan.

 

RSTV NEWSROOM