Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Boqolkun oo dad ah oo kasoo horjeeda afalagaadadii loo geystay nabiga oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Tarbuunka ee Muqdisho.

Kumaan qof oo Soomaali ah ayaamaanta mudaaharaadka dhan dowlaha Norway iyo Denmark waxa ay ka dhigeen fagaaraha weyn ee tarbuunka ee maagalada Muqdisho.

Dibad baxan oo ay soo qabanqaabiyeen culimaa'udiinka gobolka Banaadir ayaa waxaakasooo qeyb galay dadweyne aad u fara badnaa uu ka kala yimid xaafadaha kaladuwan ee gobolka ayadoo mas'uuliyiin kala socotay dalada culimada Soomaaliyeed iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qasim Salad Xassan ay kasoo qeyb galeen dibad bixii maanta ka dhacay fagaaraha tarbuunka ee magaalada Muqdisho.

Culumaa'udiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo halkaasi ka hadashay ayaa isku raacdaya in aflagaadadii ay ku kacday jariirad kasoo baxda wadanka Denmark ay ahayd mid si weyn looga xumaado ayagoo ku baaqay in gebi ahaan la qaadacao aabadeecooyinka Soomaaliya uga yimaado wadankaasi inta xukuumada Denmark ay ka bixinayso raali gelinbuuxda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qasim Salad Xassan ayaa halkaasi hadal dheer ka jeediyey waxaana uu sheegay in aflagaadadiai alaoo geystay nabaigeena MaxamedSCw ay ahayd mid caalamka islaamka oo dhan kicisay loona baahanyahay in la iska dhiciyo gaalada isoo tafaxeedatay liidida diinta islaamka.

Kasoo qeyb galayaashii dibad bixii maanta ayaa isku raaacay in gebi ahaan la qaadaco aabadeecooyinka Soomaaliya uaga yimaada wadamadfaaflagaadeeyey nabigeenka Maxamed ayagoo sidoo kale ku baaqay ina caalamka islaamka uu go'aan mideysan iyo talaabo cad uu ka qaado dadka islaamka iyo nabiaga aflagaadada u ageysanaya.

Si kastaba ha ahaatee dibad bixi maanta ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee ebed ka dhacamagaaladaMuqdisho ayadaaoo ay kasoo qeyb galeen dad lagu qiyaasay boqolaalkun waxaana dadkii maanta ay wateen boorar ayku qornaayeen ha dhacaan wadamada aflagaadeeyey nabiga,ha dhacdo denmark,ha hacdo Norway iyo ha la qaadaco badeecooyinkooda.

waxaana dibad bixii maanta uu ahaa mid kusoo dhamaaday jawi nabdoom ayadoo naanay dhicin waxrabshadao ah ama buuq ah,waxaana dadkii kasoo qeyb glay laga dareemayey dareenkooda shucur aad u kacsan ayagoo kuu sheegaaya in arinta lagu dhaqaaqay ay ahayd mid fool xun oolaga soo shaqeeyey.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM