|
Gawaari Raashin gagaar ah u siday dadka ay abaartu ku heysato koonfurta
Soomaaliya oo wadada lo galay..
Waxaa deegaanka Mareeroow oo ah meel waxyar uun u jirta degmada
Qoryooleey ee gobalka Sh/Hoose lagu rasaaseeyay baabuur raashiin u sida
dadka abaaruhu ay ku haleeleen meelo ka mid ah gobalka Sh/Hoose iyadoo is
rasaaseyntaasina uu ku dhintay raggii ay jidgooyadu taalay deegaankaasi.
Israsaaseynta ayaa la sheegay inay ku bilaabatay iyadoo raga isbaarudu u
taallo ay isku dayeen inay lacago baad ah ka qaataan rakaabkii iyo
raashiinkii saarnaa gaarigaasi,waxaase ay labada dhinac is weydaarsadeen
rasaas taasoo ugu dambeyna isbaaroleydii mid ka mid ah halkaasi ku
geeriyooday.
Sida uu noo xaqiijiyay taliyaha ciidamada degmada Qoryooleey Mukhtaar
Cali Maxamed,waxaa israsaaseyntu ay socotay in muddo ah ka dib markii la
jiiray kooxihii ay isbaaradu deegaankaasi u taalay oo ugu dambeyntiina laga
guuleystay.
Isbaaroleeyda ayaan innaba ka fekerin dhibaataada ay dadkoodu heyso meelo
ka mid ah goballada Koonfureed ee dalka iyagoo wax dheef aduunyo oo
lugooyana lagu tilmaamay ka raadinaya wixii Ilaahay uu ugu soo dhiibay dadka
wax heysta,waxaana tallaabada guusha ah ee ay gaareen gawaarida raashiinka
gargaarka ah u sida dadka tabaaleysan ay dhabaha u xaareysaa inaan markan
wixii ka dambeeya dheg jalaq loo siin dhibaatada ay burcada wada jiifka ah
ku hayaan dadka ku safraya meelo aysan aqoon.
Maxamed Cadde.
RSTV,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|