|
Baaqyo loo jeediyay ganacsatada dirirtu ay ka dhaxayso ee Bashiir Raage iyo
Sheekh Abuukar Cadaan .
Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho laga dareemayay isu
xiisad dagaal oo ka dhex muuqata maleeshiyooyin ay kala taageeraan ganacsade
Abuukar Cadaan iyo Waliba Bashiir Raage ayaa, hadana waxgaradka Soomaaliyeed
oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanku ay dadaal ugu jiraan sidii colaadaasi
loo qaboojin lahaa.
Nabadoon Shire Xaaji Dalfac oo saxaafadda la hadlayay ayaa waxaa uu
sheegay inuu si weyn kaga xun yahay in colaad sokeeye uu arko muddo shan iyo
toban sano ah ka dib oo lagu dhex jiray foowdo iyo dagaallo ahli ah oo aan
haba yaraatee wax faa’iido ah laheyn.
Waxay inta badan sama jeclayaasha Soomaaliyeed dhinacyada colaadaha wada
ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadaha.
Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo mar Soomaaliya madaxweyne ka soo noqday
ayaa la sheegay in arinta ka dhaxeysa Bashiir Raage iyo Sheekh Abuukar uu
soo dhexgalay iyadoo la sheegayo Bashiir Raagana inuu diiday hub uu ku
qabsaday dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara maleeshiyooyin labada dhinac
kala taageerayay,iyadoo la tilmaamay in xiisadda ay dib u soo cusboonaatana
ay sabab u aheyd.
Maxamed Cadde.
RSTV,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|