|
Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo baaq u ujeediyey Beelaha ku diriraya deegaanka
Yamaarugle.
Kulan ay Maanta Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Xubnaha Maamulka Golaha
Deegaanka ee Magaalada ayaa waxay Cambaareeyeen Dagaalada ka jira Beryahan
Deegaanka yamaarugle oo ka tirsan Dhulka ismaamulka Soomaalida ee Dalka
itoobiya.
Gudoomiyaha Golaha Xuseen Jaamac Yabaq ayaa Sheegay in hadii ay yihiin
Golaha Deegaanku ay ka xun yihiin Colaada udhexeyasa Beelaha walaalaha ah ee
deegaanka wada degan,isagoo ku baaqay in la joojiyo dirirta lana wadahadlo.
Qoraal ay shirkaasi kadib soo wada saareen xubnaha Golaha Deegaanka
Magaalada Gaalkacyo ayey ku sheegeen iney Baaqnabadeed Wadajir ah
ujeedinayaan labada dhinac Iyagoo ku taliyey in Xabada la joojiyo si
wadahadal loogu dhameeyo qilaafka jira.
Baaqa Maanta kasoo baxay Magaalada gaalkacyo ayaa kusoo aaday xili ay
Maanta Degeneyd yamaarugle oo ah Goobtii Dagaaladu ay ka socdeen maalmihii
Tegey waxaana Goobtaasi ka dhacay qasaare xoog leh oo ay dagaaladu Geysteen
iyadoo la Sheegay iney dhimashadu ka badan tahay ilaa 80qof in kabadana ay
ku dhaawacmeen Waxaana dhaawaca dadkaasi qaarkood la keenay degmooyinka
Gaalkacyo,Caabudwaaq,Guriceel,iyo dhuusamareeb.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM.
|