|
Wasiirka garsoorka ee dowlada fedraalka soomaaliya iyo kolonyo baabuurta
dagaalka oo maanta soo gaaray magaalada baydhabo.
Wasiiraka cadaaladda dowladda FS Sheekh Aadan Madoobe iyo kolonyo gawaarida
dagaalka ah oo la socda ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, iyagoo ka soo
ambabaxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoo dhaawaca uu soo gaaray 3
ka mid ah maleeshiyooyinkii la socday kolonyadan ka dib markii ay isku
dhaceen labo baabuur oo kuwa dagaalka ah.
Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan ilaa 20 baabuur oo kuwa dagaalka ah
oo ka kala yimid magaalooyinka Xudur iyo Waajid oo ay leeyihiin wasiirada
beeraha iyo Cadaaladda dowladda FS ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo,
iyadoo halkaasi ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole
iyo shacbi aad u fara badan.
Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalle Deerow Isaaq, Wasiirka
dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha Sheekh Aadan Madeer iyo xildhibaano kale
ayaa ka mid ahaa dadkii ku soo daweeyay Sheekh Aadan Madoobe iyo
Kolonyadiisa gawaarida dagaalka ah magaalada Baydhabo.
Waa markii ugu horeeysay ee gawaarida dagaalka Sheekh Aadan Madoobe ay
soo gaarto magaalada Baydhabo, tan iyo waxii ka dambeeyay dagaaaladii
magaaladaasi ku dhex maray isaga iyo Xildhibaan Xaabsade sanadkii la soo
dhaafay.
Imaatinka maleeshiyooyinkaan ayaa ka dambeysay ka dib markii heshiis 8
qodob ka kooban ay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha D&M ay ku gaareen
magaalada Waajid ee gobolka Bakool.
Maxamed Cadde.
RSTV,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|