Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

C/laahi Yuusuf oo maanta kormeero ku sameeyey idaacahada magaalada Gaalkacyo..

Madaxweynaha dawlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta booqashooyinkala duwan ku tagay xaafadahakaladuwan eemagaalada Gaalkacyo iyo xarumaha warbaahinta magaaladaasi.

Sida uu kusoo waramay wariye madax banaan oo magaaladaasi ku sugan madaxweynaha ayaa warbaahinadii uu booqday ee kala ahaa Radio Gaalkcayo,Radio Daljir iyo Radio Codka Nabada waxa uu ka codsaday in ka tagaan astaanta ku dhegtay ee ah sheegida waxyaabaha aan la hubsan isagoo hambalyo u jeediyey warbaahinta madaxabanaan ee magaaladaasi ka howlgala waxaana uu ka codsaday oo uu ku celceliyey in dhowraan shuruucda saxaafada ay leedahay oo ay ka fiirsadaan waxyaabaha ay sii deynayaan.

Madaxweynaha ayaa magaalada Gaalkacyo waxa uu kulamo kula qaatay mas'uuliyiinta magaaladaasi isagoo sidoo kale kulamola qaatay mas'uuliyiin maamul goboleedka ka tirsan inkastoo madaxweynaha socdaalka uu ugu soo leexday Gaalkacyo aan la shaacin.

Madaxweynaha wadanka Soomaaliya ayaa maalmo dhowr ahi waxa uu booqasho ku marayaa magaalada Gaalkacyo isagoo la filayoin dhawaan uu soo gaaro magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM