|
Ra'isulwasare ku xigeenka Soomaaliya oo maanta kormeero kusoo sameeyey
goobaha xildhibaanada loogu tala galay in ay degaan.
Ra’iisalwasaare ku xigeenka dowladda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya
Maxamuud C/laahi Jaamac Sifir oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta
gobolka Bay ayaa waxa uu kormeer qiimeyn ah kusoo kala bixiyay xurumaha loo
qoondeeyay in la dejiyo mudanayaasha baarlamanka fedaraalka KMG ah ee
Soomaaliya oo la filayo dhawaan in ay gaaraan magaaaladaasi si ay ugu qeyb
galaan kalfadhiga baarlamanka ee ka dhacaya magaaladaas 26ka bishan aynu ku
guda jirno.
Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Kalfadhiga barlamaanka Maxamed C/laahi
Jaamac Sifir ayaa waxa uu booqday dhismayaal horay ay u lahaan jirtay
dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre oo ay ka mid ahayeen bakhaaradii lagu
keydin jiray raashinka, xuruntii horumarinta beeraha iyo goobo kale, iyadoo
dhamaan goobahaasna burbur lixaad leh uu ka soo gaaray boobkii ka dhacay
dalka.
Xubnaha uu horkacayo Sifir ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay
siyaasiyiinta,waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay wax badan
uga ogaadaan diyaar garowga reer Baydhabo ay ugu jiraan marti gelinta
kalfadhiga baarlamanka fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya iyo talaabooyinka
amaanka magaalada lagu sugayo oo ay qaadeen masuuliyiinta gacanta ku haysa
magaalada Baydhabo.
Ra’iisalwasaare ku xigeenka dowladda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya
Maxamuud C/laahi Jaamac Sifir iyo xubnaha uu horkacayo ayaa waxaa la faliyaa
marka uu soo dhamaado socdaalkooda oo qaadan doona muddo 3 cisho ah in ay
dib ugu laabtaan magaalada Nairobi si ay deeq bixiyayaasha ay ugu gudbiyaan
warbixino la xiriira waxyaabaha loo baahan yahay ee ku aadan qabsoomida
kalfadhiga baarlamanka fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya oo markii ugu
horreysay ay isugu imaanayaan xildhibaanada fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya
mudo ku dhow hal sano
Maxamed Cadde.
RSTVONLINE
|