|
Madaxweyne Yuusuf oo u kicitimay magaalada Jabuuti.
Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaali C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta
gaaray magaalada jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti isaga iyo wafdi
ballaaran uu horkacayey.
Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in socdaal gaaban uu kusoo maray
magaalada Adis ababa ee xarunta wadanka Itoobiya halkaasi oo uu Zanawi kula
kulmay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa martiqaad ka helay madaxweynaha wadanka
Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xiligii ay sida wada jirka ahi ugu wada
sugnaayeen magaalada Khartum ee xarunta wadanka Sudan halkaasi oo ay kaga
qeyb galayeen kulanka madaxda Au-da.
Madaxweyne Yuusuf ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya sida la sheegayo
wasiiro dhowr ah oo uu k amid yahay Gacma dheere wasiirka horumarinta reer
miyiga iyo daaqa iyo xildhibaano kale.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu halkaasi kulamo kula qaato
madaxweynaha wadanka Jabuuti iyo saraakiil xukuumadiisa ka tirsan ayadoo la
sheegay in magaaladaasi laga yaabo inuu gaaro ra'isulwasaaraha xukuumada
Soomaaliya si looga dhaadhiciyo in tanasul ka sameeyo hadal shalay uu ka
jeediyey Jowhar oo dhaleeceyn duisha kaga tuuray gudoomiyaha barlamaanka.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|