Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed dheere oo kulan deg deg ah la qaatay hay'adaha samafalka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa maanta isugu yeeray Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gobolka gaar ahaan kuwa xarumaha ku leh magaalada Jowhar si uu ugu wargeliyo abaaro ka jira qeybo ka mid ah gobolka gaar ahaan degmada Cadale oo uu sheegay macluul baahsan in ay ku haysato dad qaxooti ah oo dowladdii Siyaad Barre ay dajisay degmadaasi.

Dadkan qaxootiga ah oo markii hore nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray jillaabashada ayaa waxaa la sheegaya in ay waxyeello ba’an kasoo gaartay musiibadii Tsunaami ee ku dhufatay dabayaaqadii sanadkii 2004-ta dalalka ku dteedsan Badweynta Hindiya.

Maxamed Dheere ayaa ka dalbaday hay’adaha Samafalka in ay gargaar u fidiyaan dadka ku tabaalaysan degmada Cadale, isagoo tilmaamay dadkaasi ay qarka usaaran yihiin macluul iyo nafaqo darro in ay u dhamaadaan.

Kulankii maanta ayaa waxaa ugu danbayntii lagaga dhawaaqay guddi isku dhaf ah oo ka socda hay’adaha samafalka iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe in ay booqdaan deegaanada sida daran ay u saameeyeen abaaraha ee katirsan Gobolka si ay ugu kuurgalaan heerka ay gaarsiisan yihiin abaaraha kudhuftay Gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM