|
Dalka Kuweyt oo gargaar gaarsiinaya dadka abaarta ay ku heysato geeska
afrika.
Gudiga gar gaarka Africa ee dalka Kuweyt ayaa bilaabay olole gar gaar
lagu gaarsiinayo dadka dhibaatada ay ka soo gaartay abaarta ee ku dhaqan
dalalka dhaca Bariga Africa.
Qoraal ka soo baxay gudigaan ayaa looga deyriyay xaalada nololeed ee
dadkaasi oo la sheegay in ay ku nool yihiin xerooyin coosh cooshash ka
sameysan taasi oo ay u sii dheertahay cuno la`aan kuwaas oo badankooda ku
nool xadka Soomaaliya iyo Ithobiya iyo weliba hareeraha casimada Jabuuti.
Gudigaan ayaa tilmaamay in deegaanada abaaraha ay ka jiraan ay gaarsin
doonaan gar gaar isugu jira Bur ,Bariis ,Sokor iyo Saliida
Gudigaan gar gaarka Africa ee dalka Kuweyt ayaa dhanka kale tilmaamay in
ay jiraan dhibaatooyin ku aadan dhanka qeybinta gar gaarka iyda oo ay
tusaale u soo qaateen wadooyinka oo ciriiri ah oo ay u sii dheertahay
isbaarooyinka.
Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ithobiya ayaa waxaa ku yaal xerooyin
qaxooti oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti oo si aad ah u dhiobaateysan
kuwaas oo wax yeela ka soo gaartay abaaraha ka jira Geeska Africa.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|