Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Imaaraaadka carabta oo gargaar u fidinaya dadka abaaruhu ku heystaan Soomaaliya.

Wafdi kasocda Ururka Bisha Cas ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kusii jeeda magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya si ay ugu kuur galaan, isla markaana gurmad deg deg ah ugu fidiyaan dadka abaaruhu ku hayaan Xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Suudaan.

Kaalmadan ay bixinayso Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa timid kadbi markii Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalkaas ahna Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Xamdaan Bin Zaa’id Al-Nahyaan uu kutaliyay gar gaar deg deg ah in loo fidiyo dadka ku tabaalaysan dalalka Geeska Afrika oo ay kujirto Soomaaliya.

Saalax Al-Taa’i oo kamid ah Wafdiga ka socda Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka oo Warfidiyeenada lahadlayay ayaa sheegay Wafdiga in uu u kuur geli doono heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada abaareed ee kajirta deegaanada kuxeeran xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Suudaan, iyadoo la gaarsiin doono dadkaas kaalmo isugu jirta raashin, dhar, dawo, iyo adeegyada kale ee asaasiga ah.

Al-taa’i ayaa intaa kudaray in ay iska kaashanayaan Hay’adaha gar gaarka ee ka howl gala dalalkaas si kaalmadaas loo gaarsiiyo dadka mudan oo ay ku habsatay abaaraha sida daran u saameeyeey dadka iyo duunyada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM