Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

3da Hogaamiye ee ugu sarraysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta Gaalkacyo heshiis ku kala saxiixday

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ka hor intii aanu ka ambabixin magaalada Gaalkacyo waxaa isaga madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha ay si wada jir ah magaaladaasi ugu qabteen shir jaraa'id oo ay kusoobandhigayeen waxyaabihii maalmahan oodhanayka wada hadlayeen.

Shirkan jaraa'id ay maanta qabteen 3 mas'uul ee xukuumada ugu sareysa ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha labada gole intooda Gaalkacyo kusugan ayadoointiishirkaasijaraa'id uusocday madaxweynaha,gudoomiyaha barlamaanka iyo ra'isulwasaaraha ay soo bandhigeen heshiis ka kooban 7 qodob waxaana heshiiska shirkaasi jaraa'id ka aqriyey wasiirka tacliinta sare Xusseen Maxamuud.

Nuqul ka mid ah heshiiskaasi oo RSTV Gaalkacyo lagasoo gaarsiiyey ayaa waxa uu u qornaa sida tan.

1)In si wada jir ah loo taageero Hishiiskii Cadan ay kukala saxiixdeen 5tii bishii January Madaxwaynahe C/laahi yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan

2) In la hirgeliyo Kalafadhiga Baarlamanka Fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ee lagu qaban doono magaalada Baydhabo 26ka bisha February

3) In Madaxwaynaha, ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay si wada jir iyo iskaashi uu kujiro ay uwada shaqeeyaan si ay u helaan kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed

4)In Madaxwaynaha, ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay ka shaqeeyaan sidii iscafis iyo isa saamax uu u dhex mari lahaa Xubnaha labada Gole ee Dowladda.

5)In Beesha Caalamku ay goob joog ka ahaadaan kalfadhiga Baarlamaanka ee ka dhacaya Baydhabo si ay marag ugu noqdaan.

6) Baaq nabadeed loo jeedinayo beelaha ku dagaalamaya meelo kamid ah dalka Soomaaliya iyo baaq kale oo loo jeedinayo Beesha Caalamka si ay gurmad deg deg ugu fidiyaan dadka abaaruhu ku dhufteen.

7)mahad naq ballaaran oo loo jeediyay Dowladda Yemen iyo Madaxwaynaheeda Cali Cabdalla Saalax oo dadaal weyn u galay hishiisiinta Madaxda ugu sarraysa Dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa inta badan shacabkawaxa ay u arkeen mid rajo wanaagsan leh isla markaana bog cusub u furaya siyaasiyiinta Soomaalida oo sanadkii lasoodhaafay tan iyoxukuumada sidiiloo soo dhisay ku jiray qilaafaad aandhamaanaynin.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM.