|
Sidee ayey u arkaan Dadka Soomalida ah ee ku Nool Mareykanka
heshiiskii ay gaareen Madaxda dowladda Soomaaliyeed dhawaan. Sida ay
dad badani la socdaan waxaa Magaalada Sanca ee waddanka Yemen Lagu soo
gabagabeeyey Shir u socdey Masuuliyiinta Soomalida ee ugu sarreysey
Dowladdii lagu soo dhisey Kenya ku dhawaad Sannad iyo saddex bilood ka hor.
Dowaladaas oo sidii looga filayey shaqo iyo waxqabad u kala guurtey laba
Magaalo iyagoo qolaba qolada kale ay ku eedaysay inay Jabiyeen Axdi
Qarameedkii la dhigtey, taasi oo isu baddashey in wax waliba ay istaagaan oo
haba yaraatee wax shaqo guud ah oo dawladnimo aaney qabsoomin marka laga
reebo Shirarka Caalamiga ah oo laga qeyb galo.

Waxaa kaloo iyana jirtey in Dacaayado iyo warar aan fiicneyn la isu
marin jirey warbaahinta taasoo keentey in la sii kala fogaado iyadoo waliba
koox kasta ay dadka ka raadsanaysey inay ka hesho taageero buuxda si
ay uga adkaat kooxda kale. Si kastaba ha ahaatee waxaa jirey dadaallo
ay beesha Caalamku u galeen sidii meel la isugu keeni lahaa kala
qeybsaanaanta dhexgashey Dowladda taasoo aan lagu guuldareystay marar badan.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii madaxda waddamada Somalia, Djibouti
,Sudan, Ethiopia ku shireen dalka Yemen shirkaasi markii uu dhamaadey ayaa
waxaa sii Joogey Yemen Madaxweynaha Sopomaaliya Cabdullahi Yusuf, maalmo ka
dib ayaa waxaa magalada Nairoobi oo uu ku sugnaa kasoo dhoofey Guddoomiyaha
Barlamanka Somalia Sharif Xasan Iyadoo uu Marti Qaadey Cali Cabdalla
Saalax oo ah Hogaamiyaha Yemen. Si kastaba ha ahaatee waxaa halkasi ka
dhacey wadahadallo dheer oo dhexmarey Madaxda Soomaalida Kaasi oo markii
dambe laga Gaarey Heshiis Macna weyn ugu fadhiyey Umadda Soomaaliyeed oo aad
ugu baahnaa inay helaan dowlad ay weheshadaan. haddaba markii warbaahinta
lagaa maqley in uu dhacey heshiiskaasi ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed meel
kastoo ay joogaan laga dareemayey rajo iyo niyad wanaag uu ku beeray
heshiiskaasu waxaan markaasi aan u kuur galney sida ay dadka ku nool
Mareykanka ee Soomaalida ah ay u arkaan wixii lagu gaarey Cadan. waxaan
la kulaney dad badan qaarna waxaan kula xiriirney Telefoonada waxaana
dadkaasi markii la isku celceliyo 88% ay muujiyeeen inay aad ula
dhacsan yihiin in madaxda Soomaaliyeed ay Gaaraan heshiis buuxa dadkii aan
la kulanney waxay caddeeyeen in aaney jirin wax lagu doorsan karo Soomaaliya
oo dowlad ah isla markaana nabad ah Ibraahin Barre oo ku nool Minneapolis
ayaa yiri "inaan mar ku laabto dalkeygii oo nabad ah oo aan ka tago
Qabowgan iyo Qurbaha waan jeclaan lahaa haddii uu heshiiskaasi dhaqan gal
noqdana wey ii muuqataa inaan laaban doono" waxaan kale oo aan la hadley
aanan weydiiyey sid uu u arko heshiiskaasi Oday Soomaaliyeed da'diisu aheyd
qiyaastii 72jir laguna magacaabo Cilmi Maxamed Guure wuxuuna yiri "way
wanaagsanaan lahayd haddii Soomaali oo dhan ay gacmaha is qabsato kuna
faanto Calankii aan u soo dagaalannay ee noogu fadhiyey Qiimaha aadka u
sarreeya in muddo ahna Dayaca ku jirey". wiil isna wax ka barta
Magaalda Columbus ee Gobolka Ohio ayaa isaguna wuxuu yiri '" Haddii aan
hawadii iyo Cimiladii Soomaaliyeed aan mar tagi lahaa iyadoo nabad ah wax
weyn baan dareemi lahaa waanan ku farax sanahay heshiiskan iyo dowladnimada"
Isku soo wada duub oo dadka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan waxay
baahi weyn u qabaan inay helaan Nabad Dowlad iyo Nolol ay ku
noolaadaan halkiii ay yaqaaneen ee ay ku dhasheen kuna Dhaqmeen waxaanan
Allaha awoodda iska leh uga baryeynaa inuu dadka Soomaaliyeed Isku soo dumo
Quluubtoodana isu Furo. Xasan M.Xaaji
RSTVONLINE.COM |