Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dagaal faraha looga gubtay oo ka socnaya magaalada Kismayo.

wararka naga sooo gaaraya magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka dhacayo dagaal qaraan oo faraha looga gubtay oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya iyo cabdi Cigal oo ka mid ahaan jiray saraakiiisha isbahaysiga dooxada Jubba sida aadkana ugu dhoiw wasiirka dib u dhiska.

Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la arkayey gaadiidka oo kla qeyb qaadanaya dagaalka u dhaxeeya labadan sarkaal ee ka wada tirsan dooxada Jubba.

Illaa iyo iminka lama shaacin tirada rasmiga ah ee dagaalkaasi wax ku noqotay laakiin waxaa jira dhaawacyo soo kala gaaray labada maleeshiyo ee dagaalamaysa ayadoo Cabdi Cigal uu sheegay in dagaalka uu hal maleeshiyo kaga dhaawacmay.

wasiirka dib u dejinta iyo dib u dhiska Bare Hirale ayaa ka gaabsanaya ka hadalka dagaalkan ayadoo Cabdi Cigal uu eedeyn dusha kaga tuuray wasiirka dib u dhiska oo ku eedeeyey in dagaalka uu ku laayey maati u badan haween.

Ma jiraan wax waanwaan ah oo socota waxaana iminka dagaalka uu u muuqda mid iskiisa u istaagaya ayadoo maleeshiyooyinku ay is hor fadhiyaan .dagaalka ayaa lasooo sheegayaa inuu kusii faafayo qeybaha kala duwan ee magaalada .

Waan waan horey uga dhexsocotay malabad mas'uul ayaa ku dhamaatay fashil ayadoo dagaalkanna uu yimid xili saraakiil dowlada federaalka ka tirsan ay wadeen isku day ah in labadan mas'uul la isa soo hor fadhiisiyo.

Maxamed Cadde.

RSTVONLINE,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.