Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Cudur aan wali la garanin Magaciisa ayaa ka dillaacey Magaalada Laas Caanood.

Sida ay ku warramayaan Dhakhaatiirta ku sugan Magaalada Las Caanood waxaa halkaasi ka dillaacey Cudur aan la aqoonin oo aan hore loogu arag degaankaasi. Shaqaalaha Caafimaadku waxay caddeeyeen in cudurkaasi uu yahay mid si dhaqso ah u dilaya qofka uu Haleelo,isagoo walibana qofka ka weeraraya Madaxa iyo Luqunta.

Dadka degmadaasi ku nool iyo Dhakhaatiirtuba waxay sheegeen in cudunkani uu u egyahay Cudurka lagu magacaabo Maskaxgaraadka (Meningitis) waxayna caddeeyaan in wali aaney helin wax ay ku macneeyaan nooca Cudurka.

Dadka Reer Laas Caanood ayaa cabsi weyn ka qaba in cudurkaasi uu ku faafo degaankaas. Wasiirka Caafimaadka Maamulka PuntLanda ayaa socdaal ku tagey Laas Caano isagoo soo booqday goobaha Caafimaadka Laas Caanood wuxuuna sidoo kale kulamo la yeeshey dadka ku hawlan joojinta iyo wax ka qabashada Cudurkaas.

 

RSTV NEWS ROOM