|
Madaxweyne Yaman oo ka dalbaday
Jaamcadda Carabta in ay si weyn loo taageero Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Yemen caliCabdalla Saalix ayaa xiriirro la sameeyay
madax sar sare oo ka tirsan Jamacddaa carabta,isagoo kala hadlay arrimaha
dalka Soomaaliya .
Wakaaladda wararka ee dalka Yemen ee Saba news ayaa ku warrantay in ay
jiraan dadaallo uu wado madaxweyne Saalix oo xiriirro dhinaca telefonka ah
la sameeyay maddax dhowr ah oo ka tirsan jaamacadda carabta oo uuna kala
wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii loogu guuleysan lahaa mel
marinta dadaalada nabadeed ee dalka Soomaaliya .
Madaxweyne cali cabdalla Waxaa uu jaamacadda Carabta ka dalbaday inay
qaado tallabooyin dheeraada oo ku wajahan tageeridda heshiiskii tariikhiga
ahaa oo ay dhawaan magalada cadan ku garen madaxweynaha iyo guddoomiyaha
baarlamanka Soomaaliya C/llahi yuusuf Axmed iyo Shariif xasan Sh Aaden.
Madaxweynaha dalka Yemen waxaa sidoo kale uu Jaamacadda Carabta
weydiistay in ay si buuxda u gacan siiso dadaalada uu wado madaxweyne
Yuusufka Soomaliya ee ku aadan maslaxadda dalka iyo dhiosmaha hey'adaha
dowliga ah .
Sida ay qortay wakaaldda wararka dalka Yemen ee Saba News waxaa
madaxweyne cabdalla uu Jamacadda carabta weydiistay in ay Soomaliya ka
taagerto dhinaca maaliyadda ,islamarkaana ay melmariso go'aanadii ka soo
baxay shirmadexeedkii Carbed ee ka dhacay magaalada Aljeris ee dalka Aljeria.
Madaxweyne Cabdallaha dalka yemen waxaa uu sheegy in haddi la tagero
dowlada Soomaliya ay dowladda federalka ahi ku guuleysandoonto meel marinta
dadaallada dib u dhiska dalka iyo nabad kusoo dabbaalida dalka Soomaliya
kaddibmuddo 15 sanadood ah oo dagaallo sokeeye ay dalka halakeeyeen.
degenaashaha Soomaaliya ayuu sheegay madaxweynaha Saalax inuu faa'iido
ugu jiro wadamada carabta iyo kuwa afrikankaban.
Maxamed Cadde.
RSTV MUQDISHO
|