Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ciidamada Mareykanka ee geeska afrika oo shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen dooni ay wateen burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada Ameerikaanka ee ilaalada u jooga xeebaha wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen Dooni ay saarnaayeen Burcad Badeed Soomaaliyeed.

Mid kamid ah Maraakiibta uu leeyahay ameerikaanka oo kusugan xeebaha Soomaaliya ayaa ciidamada dulsaarani waxa ay arkeen doonidaasi oo iyaduna mareysay meel markabka aan sidaa uga fogeyn waxayna uga shakiyeen in Doonidaasi fal burcad badeednimo ay abaabulkeeda ka heysay halkaasi waxaana Ciidamada Mareykanka ay rasaas ku rideen Doonidii ay saarnaayeen Burcad Badeeda Soomaaliyeed hase yeeshee suurta gal way noqon weysay in durbadiiba ay dooni joogsato oo horey ayay u soo dhaqaaqday sida lagu sheegay xarunta dhexe ee Taliska Ciidamada Badda Mareykanka.

Markaa ka dib ayaa Markabkani waxa uu sii daba galay Doonidii sida wakaaladda wararka Reuters ay qortay isla markaasina rasaas kale uu ku riday iyadoo ugu dambeyntiina Suuragal u noqotay Markabkii Ameerikaanka in ay gacanta ku dhigaan Doontii ay sarnaayeen Burcad Badeeda Soomaaliyeed iyadoo halkaasina ay rasaas xoogani isweydaaradeen, waxaana intaa kadib Ciidamada Mareykanka ay fuuleen Doonidii iyagoo ka helay Hub iyo rasaas tiro badan oo Doonidaasi saarneyd.

Lama garanayo ilaa iyo hadda halka ay ku dambeeyaan Burcad Badeedaasi Soomaaliyeed ee Gacanta u gashay Ciidamada Ameerikaanka iyadoo sidoo kalena warkani laga soo saaray Taliska Dhexe ee Ciidamada Badda Mareykanku aanu sheegeynin in ay dhan tahay tirada Burcad Badeedaasi Soomaaliyeed ee Gacanta lagu dhigay.

Sanadkii lasoo dhaafay oo loogu magacdaray Sanadkii Afduubyada Xeebaha wadanka Soomaaliya ayaa in kabadan 23fal oo burcad badeednimo ah waxa ay ka dhaceen xeebaha Dalka Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM