Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada Soomaaliya oo dhawaan canshuuro ka qaadaysa shirkadaha isgaarsiinta.

Dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshe ay markii ugu horeysay lacago canshuur ah kaga qaadayso Shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howl gala.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb gasho shir ay shirkadaha isgaarsiinta ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee cariga Kenya kaasoo looga hadli doono arrimo badan oo quseeya wax qabadaka shirkadahaasi .

Wasiir ku xigeenka warfaafinta dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu xaqiijiyey in shirkadaha isgaarsiinta ee wadanka lagu war gelin doono in ay iska diiwaan geliyaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda kmg ah ee Soomaaliya.

“ ujeedada canshuuraha looga qaadayo shirkadahan waxa weeye in shirkadahaasi ay qeyb ka qaataan kaabida mu'assasaadka dowlada" ayuu yiri Salad Cali jeelle.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaliya ay qorsheyneyso in hay’ado kale oo fara badan ay kusoo rogto canshuuro si ghowlaha dowlada ay u kala socdaan.

Lama oga sida shirkadahan isgaarsiinta ee dalka ka howl gala ay lacagahaasi u bixinayaan ayadoo laga warqabo in shirkadahan ay ka mid yihiin dadka sida aadka ah ugu hubeysan gudaha wadanka.

Maxamed Cadde.
RSTV Muqdisho