|
Gaadiidka la Kala dhaco oo kusoo badanaya wadada isku xirta Muqdisho iyo
Afgooye ayadoo saamayn ballaarannna ay shacabka labada dhinac ku yeelatay.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa
waxa ay sheegayaan gaadiid la’aan baahsan in ay jirto degmadaasi ka gadaal
markii kala dhaca gaadiidka uu saameyn ballaaran uu ku yeeshay gaadiidkii
dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo shalay waxaa dhac loogu gaystay wadada isku xirta Afgooye iyo
Muqdisho ilaa 5 Gaari, taasi oo sababtay in inta badan gaadiidkii ka
howlgalayey wadadaasi ay shaqadooda joojiyaan.
Lama oga sababaha dhabta ah ee ugu wacan kala dhicida gaadiidka ee ka
qarxay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho laakiin warar qaar oo soo
baxaya ayaa sheegaya falalkan salka in ay ku hayaan kala dhac gaadiid oo
horay ugu jiray wadadaaasi laakiin maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid xal
laga gaaray.
Waxaa saakay lagu arkayay busteejada gaadiidka laga raaco ee magaalada
Afgooye dad fara badan oo buuxa halkaasi kuwaasi oo sugaya gaadiid ay usoo
raacaan Muqdisho, iyadoo halkaasina ay ka shaqaynayeen gaadiid tiro yar oo
sara u qaaday qiimahii lagu raaci jiray gaadiidka ayagoo ka faa'ideysanaya
fursadan gaadiid la'aanta ah.
Kala dhaca gaadiidka ma ahan fal ku cusub wadada isku xirta Afgooye iyo
Muqdiso waana fal inta badan kusoo noqnoqday wadadaasi mana muuqata xal
rasmi ah oo arintaasi laga gaaray.
Maxamed Carab.
RSTV NEWSROOM
|