Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

 Markab hor leh oo xeebaha Mudug lagu afduubtay.

Maleeshiyooyin reer Xarardheere ah ayaa lagu soo waramayaa in xeebaha gobolka Jubada hoose ay kasoo qafaasheen markab halkaa marayey.

markabkan ayaa maanta lagu soo xiray meel ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Markabkan la afduubtay ayaa maleeshiyiyooyijnku waxa ay ka afduubteen xeebaha xuduuda Kenya uu la leeyahay gobolka Jubbada hoose ayagoo mudo 3cisho ahna u soo waday dhinaca degmada Xaradheere.

ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda markabkan iska leh iyo halka uu ka diiwaan gashanaa.

Goobaha ugu badan ee caalamka qeylo dhaanta uu ka soo saaray ayaa ah xeebaha gobolka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere waxaana degmadaasi lagu afduubtay inta badan maraakiibta Soomaaliya lagu qafaashay ayadoo halkaasina ay ku suganyihiin maleeshiyooyin aad u hubeysan oo wada qoryaha culculus.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu ay ku guul dareysteen in gacanta ku dhigaan maraakiib dhowr ah oo ay wateen dalxiisayaal reer balbeed ah waxaana iminka isa soo taraya qeylo dhaanta laga soo saarayo amaanka xeebaha wadanka Soomaaliya.

Horey waxaa u jiray dawlado sheegay in ay wax ka qabanayaan xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ugu horeeyeen Mareykanka,Briten iyo wadannka Masar laakiin ma muuqato ilaa iyo iminka wax la taaban karo oo ay qaadeen wadamadaasi.

Xeebaha Somalia ayaa waxa ay noqdeen meelo ay wax ka ugaarsadaan burcad badeedyo Soomaali ah oo lacago badan ka kasbaday afduubka maraakiibta shisheeya ayadoo burcadan ay horseed u noqdeen kala go' ku yimid gargaarkii lasoo gaarsiin lahaa dadka abaartu ay ku laynayo koonfurta wadanka Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM