Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweyanaha Soomaaliya iyo R'iisal Wasaaraha Itoobiya oo wada leh kulamo xasaasi ah.

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Adis Ababa ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu kulamo la yeelanayo Ra'iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Melles Zenawi.

Sida ay wararku sheegayaan xalay ayay labadaan mas'uul u qorsheysneed in ay kulan waad qaataan, iyadoo Sababaha ugu weyn ee uu Madaxweynaha u tagay ay tahay inuu madaxda Itoobiya ugu Warbixiyo heshiiskii ay wada gaareen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo halka uu madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed ugu sii gudbayo Dalka Itoobiya, iyadoo mid ka mid ah wararkaasina ay sheegayaan in uu si toos ah u tagayo magaaladda Jowhar oo xarun u ah Dowladdiisa.

Sidoo kale warar ayaa sheegayan in uu tagayo magaalada nairobi ee Dalka Kenya oo hada uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, sidoo kale waxaa Nairobi laga filayaa in uu gaaro Ra'iisal Wasare Cali Maxamed Geeddi oo manta kasoo duulay Degmada Jowhar, lakin warar kale ayaa soo baxaya oo iyana sheegaya in madaxweynaha uu Sudan kusii jeedo inkastoo warkaasi aan lahubin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa dhawaan tagay magaaladda Adis Ababa isagoo ka soo kici timay Dalka Yemen, halkaas oo isaga iyo Gudoomiyah Baarlamaanka ay heshiis ku soo waad gaareen.

Maxamed Cadde.
RSTV  Muqdisho.