Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Col. Cabdi Cigaal: La ima qaban, laakiin waa la iga awood roonaaday.

Col. Cabdi Cigaal shalay iyo daraadna dagaal qaraar uu isaga iyo Isbaheysiga Dooxada Jubba ku dhax maray xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo, ayaa sheegay xalay mar ay saxaafada gudaha Muqdisho la xiriirtay inaan isaga aysan qaban Isbaheysiga balse uu haatan ku sugan yahay meel ka mid ah magaalada Kismaayo.

Col. Cabdi Cigaal ayaa xaqiijiyay in dagaalkii shalay loogu awood roonaaday ka dib markii ay soo wajahday rasaas yari aad u baaxad weyn.

Col. Cabdi Cigaal ayaa intaasi ku daray in uusan marnaba laga yaabin in uu isku dhiibo maamulka Dooxada Jubba, waxuuna sheegay in uu sii wadi doono dagaalka ilaa uu isaga guusha raacdo ama laga dilo.

Col. Cabdi Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in uu isaga xaq ku dagaalamayo lagana gardaran yahay gurigiisana lagu soo weeraray xili uu salaad ku jiray.

Col Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in uu jiro dhaawac isaga soo gaaray, oo uu sheegay in uu yahay mid uu ka socon karo, waxuuna tilmaamay in uu sii wadi doono howlihii uu ka hayay magaalada Kismaayo, waxuuna ka gaabsaday in uu sheego howlahaasi waxa ay yihiin, balse uu ula jeedo dagaalka uu kula jiro Barre Hiiraale in uu sii wadi doono.

Shalay maqribkii ayay aheyd maamulka Dooxada Jubba mar uu ka soo baxay war sheegay iney gacanta ku hayaan Col. Cabdi Cigaan balse uu warkaasi noqday waxaan jirin mar hadiiba Col. Cabdi Cigaan uu saxaafada la hadlay.

Saxafiyiinta Kismaayo ku sugana waxa ay ii xaqiijiyeen in la arkayay xalay ilaa saakay aroornimadii ciidan ka tirsan isbaheysiga dooxada Jubba oo magaalada aad ugu soo qulqulaya iyaga oo ka imaanaya magaalooyinka ku dhow dhow magaalada Kismaayo.

Hadaba dagaalkaan oo xalay u muuqday mid dhamaaday ayaa haatan waxa uu la soo baxay gees cusub iyo ididiilo colaadeed oo baaxad weyn, bulsha weynta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Kismaayo ayaa hadalka Col. Cabdi Cigaal fajac iyo naxdin horleh ku abuurtay.

Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu
Email:
abdifitahaam@yahoo.com