Agaasimaha hay’ada badaha dalka Yaman ninka lagu magacaabo Khalid Ibrahim
Alwaziir ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay iskaashi buuxa ay ka
sameeyaan sidii loola tacaali lahaa mushkilada burcad badeeda ee ka taagan
xeebaha dalka Soomaaliya, Bada Cas iyo Gacanka Cadan, taasi oo ka dhalatay
mushkilada ka taagan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xal u helida
mushkiladaasi ay ku xirantahay iskaashi dhab ah oo dhex mara beesha caalamka.
Mr Ibrahim oo haatan kaga qeyb galaya magaalada London shirkii 81aad ee
guddiga nabad gelyada badda ayaa sheegay in dalkiisa oo kaashanaya wadamada
gobolka in ugu danbeyn bisha October ee ina soo aadan ay qalinka ku duugi
doonaan heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka badda ah iyo ka hortaga falalka
hubeysan ee ka dhanka ah maraakiibta, kaasi oo Yemen ay hor dhigtay shirkii
lagu qabtay Saldanada Cammaan, kaasi oo falanqeyn kadib lagu heshiiyay
aasaaska xarun lagu la dagaalamo burcad badeeda.
Masuulka reer Yemen waxa uu tilmaamay dadaalada dawladaha wadamada Yemen,
Soomaaliya, Suudaan iyo Ethiopia oo ku bahoobay isbahaysiga Sanca ee ku
aadan la dagaalanka burcad badeeda, waxa uuna xusay in isbahaysiga Sanca ay
dhawaan sameysteen xogheyn joogto ah oo isku duba ridaya hawlaha lagu la
dagaalamayo burcad badeeda.
Agaasimaha hay’ada dhinaca badaha u qaabilsan wadanka Yemen Khalid
Alwasiir ayaa xusay in wadankiisa uu dajiyay xeerar lagu ciqaabiyo burcad
badeeda, isaga oo xusay in ciidamada ilaalada xeebaha ay gacanta ku soo
dhigeen muddo haatan laga joogo bil koox burcad badeed ah oo dhawaan
maxkamad lagu soo taagi doono dalka Yemen.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.