Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Dad Soomaali ah oo meydadkooda laga helay xeebaha dalka Yaman ka dib markii si qasab ah looga daadiyey doonidii ay la socdee.

Hay'adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay ugu yaraan 39 tahriibayaal ah in ay ku qur baxeen xeebaha dalka Yemen, 212 kalena la la'yahay hal ay jaan iyo cirib dhigeen, kadib markii qolyaha kaxeeya doonyaha tahriibka ay qasab kaga tureen doonidii ay la socdeen.

Hay’ada waxa ay intaa ku dartay in xeebaha dalka Yemen ay soo gaareen 98 qof oo kamid ah dadkii la socday 3 doonyood oo ka soo shiraacday xeebaha bari ee Soomaaliya oo ay la socdeen349 qof oo isugu jiray Soomali iyo Ethiopian, ayadoo sidoo kale xeebahaasi laga helay maydadka 39 qof oo badda ay soo caarisay.

Qaar kamid ah dhibanayaashii kasoo badbaaday doonyahaasi ayaa u sheegay hay’ada UNHCR in mid ka mid ah doonyahan 3da ah ee ka soo shiraacday xeebaha Soomaaliya in ay ciladowday, balse labada doonyood ee kale ay ka saacideen sidii ay uga soo gudbi lahayd biyaha gacanka Cadan.

Dhibanayaashu waxa ay intaa ku dareen Markii loo soo dhawaaday xeebta Yemen in 2da doonyood ay ka tageen doontaasi haleesneyd, isla markaana ay kusoo rogeen rakaabkii la socday xeebta Yemen, ayagoo ka baqayay in ay arkaan ilaalada xeebaha Yemen, taasoo keentay in doonida ciladaysan oo ka baqaysay in lagu cidleeyay safarkeeda ay qori kaga tuurto rakaabkii saarnaa.

Hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in doonidaasi ay ka fogeyd xeebta markii laga daadinayay rakaabkii la socday, ayadoo baddu ay liqday ciddii aan aqoon dabaal ay ku samata bixiso nafteeda.

Sanad kasto kumanaan Soomali iyo Ethiopian isugu jira ayaa doonyo kasoo qabsada xeebaha bari ee Soomaaliya, ayadoo dadkaasi ay quud dareynayaan in dalka Yemen ay uga sii talaabaan wadamada gacanka carabta.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho

© RSTV 2006. All Rights Reserved