Wasiirka arrimaha dibada ee
Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa ku tilmaamay xiriirka kala dhaxeeya dalkiisa
wadanka Soomaaliya mid ku tallaabsanaya horumar la taaban karo.
Wasiirka arrimaha dibada ee Ethiopia ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan
dhex maray isaga iyo wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya o socdaal shaqo
ku jooga dalkaasi.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya oo
isagana kulankaasi ka hadlay ayaa ammaanay wax uu ku sheegay dadaalada
Ethiopia ay ugu jirtay mudada 14ka sanadood ah sidii Soomaalida ay ku heli
lahaayeen dawlad la aqoonsan yahay.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxa uu intaa raaciyay in dawladda Ethiopia ay
sidoo kale dadaal u gashay nabad iyo deganaan lagu soo dabaalo dalka
Soomaaliya, isaga oo carabka ku dhuftay in dawladdiisa ay ka shaqeyn doonto
horumarinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Kulankan dhex maray labada wasiir ayaa looga hadlay hanaanka loo meel
marin karo heshiisyadii wasiiro arrimo dibadeedyada isbahaysiga Sanca ay ku
kala saxiixdeen shirkii ugu danbeeyay oo ay ku yeesheen magaalada Sanca,
gaar ahaan qodabadii quseeyay dalka soomaaliya sida uu sheegay danjiraha
dawladda Ethiopia u qaabilsan arrimaha Soomaaliya C/Casiis Axmed.
Kulankan waxa uu kusoo beegmay xilli xildhibaanada baarlamanka ay ku
eedeeyeen dawladda Ethiopia in ay xagal daacinayso dadaalada dib u
heshiisinta dalka Soomaaliya, isla markaana ay doonayso in ay dalka u
qeybiso gobollo hoos taga dalkeeda.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho