|
Wasiirada arimaha dibada
isbahaysiga Sanca oo haatan kulan uu uga socdo magaalada Sanca oo maanta
kulankooda soo afmeeraya.
Wasiirada arrimaha dibada wadamada ku bahoobay Isbahaysiga Sanca ayaa
maanta soo gaba gabeynaya shirkii shalay uga furmay magaalada Sanca, ayagoo
ka soo saari doona warmurtiyeed ku baaqaya iskaashi buuxa oo dhex mara
wadamada ku bahoobay isbahaysiga iyo waliba in cusbooneysiinta baaqii ahaa
in dawladaha galbeedka afrika ay kusoo biiraan isbahaysiga.
Kulankii shalay dhex maray wasiirka arrimaha dibada ee Yemen Abuu Bakar
Alqirbi, wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Prof. C/llaahi Sheekh
Ismaaciil, wasiirka arrimaha dibada ee Suudaan Lam Akuul iyo wasiirka
arrimaha dibada ee Etoobiya Siom Masvin oo looga hadlay arrimo dhawr ah oo
ay ku jirto arrinta Soomaaliya ayaa laga soo saaray go’aano dhawr ah oo ay
kamid ahayd xoghyen joogto ah oo loo sameeyay isbahaysiga, taasoo dawladda
Yemen ay madax u noqonayso, fadhigeeduna uu noqon doono magaalada Sanca.
Wasiirka arrimaha dibada ee Yemen oo shir guddoominayay kulankaasi ayaa
sheegay in ujeedada kulankan ay ahayd in lagu jeex jeexo arrimaha Soomaaliya
iyo waliba horumarinta isbahaysiga.
“waxaanu la soconaa arrimaha Soomaliya oo bilihii laga soo gudbay kasoo
reynayay, laakib arrintu waxa ay mar kale arrintu ka dartay tobaadyadii
lasoo dhaafay, taasoo ay ugu wacan tahay dawladdu ooo awood heli waysay
bixinta waxyaabaha ay u baahan yihiin maleeshiyooyinka sida raashin iyo
mushahaaraadka iyo waliba arrimaha kale ee aasaasiga ah” ayuu yiri Abu Bakar
Alqurbi.
Alqurbi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta, kuwa islaamiga, beesha caalamka
gaar ahaan deeq bixiyayaasha iyo waliba dawladaha xubnaha ka ah isbahaysiga
Sanca in ay saacidaan dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya si dawladda
ay uga gudubto caqabadaha haysta, isagoo ku booriyay wadamada waa weyn in ay
ka fogaadaan fara gelinta arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil
ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka qeyb galka kulanka isbahaysiga,
isagoo xaqiijiyay sida dawladdiisa ay u qiimeynayso dadaalada Yemen ay ugu
jirto nabadeynta Soomaaliya.
“ kaalintii madaxweynaha Yaman waxa uu sababay in ay ku kulmaan Walaalaha
Soomaaliyeed magaalada Baydhabo ,isla markaana baarlamaanka Soomaaliya uu
hal meel kuwada shiro markii ugu horeysay ,sidaasi ma dhici lahayn haddii
uusan jiri lahayn dadaalka madaxweynaha Yaman” ayuu yiri wasiirka arimaha
dibada Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil oo intaasi ku daray “ kulamada
baarlamaanka Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Baydhabo waxaa kasoo baxay
dhismaha gudiyo ka kooban 14 kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaadanaya isku
xirka baarlamaanka iyo xukuumada ,isla markaana wax ka qabanaya xalinta
khilaafaadka yar yar ee dalka ka jira”.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Soomaaliya waxa uu si weyn u amaanay
dadaalada ay bixinayaan wadamada Sudan iyo Itoobiya ee ku aadan nabad ka
islaaxinta Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |