|
Isbahaysiga Sanca oo ka dalbaday
golaha amaanka in uu qaado xayiraada hubka ee ee saaran Somaliya .
Wasiirada arrimaha dibadda dalalka ku jira Isbaheysiga Sanca ayaa waxaa
ay soo saareen gebagebadii kulankii ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku
yeehseen magaalada Sanca war murtiyeed ay ku mideysanyihiin,kaasi oo ay u
gudbiyen madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix.
Isbaheysiga Sanca oo ay ku mideysanyihin dalaka
Somaliya.Yemen.Ethopia,Djabouti, iyo Sudan ayaa waxaa ay dalab ugu direen
Golaha Ammaanka ee QM in uu ka qado cuanaqabatda hubka ee muddo 14 sano ah
saaran dalka Somaliya si markaasi laaga caawiyo dowladda FKMG ee Somaliya in
ay dib u hanato sugnaanta iyo kala danbeytii dalka Somaliya,isla markaana ay
xoojiso amniga guud ee dalka.
Isbaheysiga Sanaca waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay uu taagero
buuxa siiyo qorshaha amniga guud loogu soo dabaalayo Somaliya taasi oo ay
haatan ku howlan tahay dowladda FKMG ,isla markaana ay soo diyaariyeen Urur
goboleedka IGAD iyo Midowga Africa si loo soo celiyo amniga iyo sugnanta
Somaliya.
Bayankii ay soo saareen Isbaheysiga Sanca waxaa sidoo kale baaq laagu
jeediyay dowladaha deeqda Bixiya iyo hey'adaha ku shaqada leh arrimaha
xuquuqda Aadanaha in taageero dadka ah ay la agaraan dadkii ku dhibaatoobay
abaarihii ku dhiftay gobollada ku yaalla koofurta dalka Somaliya,iyagoo ku
adkeeyay dowladaha deeqda bixiya in ay kasoo baxeen taageeradii ay ku
ballanqaadeen in ay kaga qebqaadan doonaan dib u dhiska Somaliya.
Isbaheysiga Sanca waxaa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada
Muqdisho in danahooda ay sara mariyeen tan guud ee dalka isla markaana ay
dagalka joojiyaan hubkana iska dhigaan si taasi ay u suura galiso in beesha
Caalamka ay Somaliya ka taageerto dib u dhiska iyo amni kusoo dabaalidda
dalka Somaliya.
Isbaheysigu waxaa uu sheegay in cunaqabtafda hubka ee saaran Somaliya
qaadisteeda ay u horseedi karto dowladda FKMG,Urur goboleedka IGAD,iyo
Midowga Africa in ay qaadaan masuuliyadda ilaalinta amniga iyo kala
danbeynta dalka Somaliya.
Waxaa sidoo kale Isbaheysiga Sanca uu ku sheegay bayaankiisa in dalalka
ku jira Isbaheysiga ay iska kaashan doonaan sidii xad loogu yeeli lahaa
hoWlaha burcad badeednimada iyo kuwa argagixiso ee ka jira badaha Somaliya
iyo waliba kuwa gobolka kuwaasi oo ay ku jiraan qatarta ku wajahan gaadiidka
Badda Caalamiga ah iyo kuwa ganacsiga gobolka iyagoo ka dalbaday beesha
Caalamka in Isbaheysiga ay ka taageerto howlaha uu arrimahaasi ugu hortagi
karo.
Ugu danbeytiina xubnaha Golaha Sanca waxaa ay carrabka ku adkeeyeen
taageeradooda dowladda FKMG ee Somaliya,iyo dadaalada Baarlamaanka Somaliya
uu ku doonayo sidii uu ugu dhisan lahaa mu'asasaatkii dowliga aaha iyo
hey'adaha xagga amniga,iyagoo hoosta ka xarriqay sida ay lagama maarmaan u
tahay in laga hortago cid waliba oo carqalad ku ah howlaha dib u dhiska iyo
amni ku soo dabaalidda Somaliya.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |