Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mareykanka oo sheegay inuu cabsi qabo in Alqaacida ay fariisin ka dhigato Soomaaliya.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa muujiyay sida uu uga walaacsanyahay in ururka Alqaacida in uu fariisin ka dhigto wadanka Soomaaliya waxaana uu ka gaabsaday in Mareykanka uu taageero siiyo qolyaha hogaamiyaasha dagaalka ee isu taagay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ku dhuumaalaysanaysa Soomaaliya.

Mar la weydiiyay in Washington ay la shaqeyso qab qablayaasha dagaalka afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Tony Snow waxa uu yiri “waxaanu walaac ballaaran ka qabnaa in argagixiso shisheeye ah gaar ahaan Alqaacida haatan ay joogaan dalka Soomaaliya”.

“maadaama xaalad deganaasho la’aan ay ka jirtay dalka Soomaaliya Alqaacida waxa ay fariisin ka dhiganaysaa dalkaasi, waxaanu dooneynaa in aanu xaqiijino ka hortaga in Alqaacida ay ka dhigato hooy ay ku ammaan hesho dalka Soomaaliya” ayuu yiri Snow.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka Sean McCormak oo isaga wax laga weydiiyay in dawladda Mareykanka taageero dhaqaale u fidiso dagaal oogayaasha ayaa sheegay in dawladiisa ay la shaqeyso wax uu ku sheegay siyaasiyiin xilkas ah” isaga oo ku gacan seyray in uu carabaabo shaqsiyaadkaasi.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka oo ka hadlaya xaalada dalka Soomaaliya ayaa yiri “argagixisada waxa ay dooneysaa in ay ka faa’iideysato xaalada Soomaaliya, ayaga oo u adeegsanaya xasilooni darradaasi xarumo in ay ka sameystaan, kadibna weeraro uga soo qaada caalamka”.

“waxaanu la shaqeyn doonaa masuuliyiinta wadamada gobolka iyo saaxiibada caalamiga si aanu u cirib tirno argagixisada, isla markaana aan uga hortagno in ay xoogeystaan”. ayuu sii raaciyay.

Mr Snow ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dawlad ka hana qaada dalkaasi, isaga oo xusay in dalkiisa uu ka shaqeynayo nidaam fadaraali ah oo suura gal ka dhigaya dawlad dhexe oo soo afjarta mashaqada ka taagan dalkaasi.

“waxaanu aaminsanahay in labadan arrimood ay wada socdaan: la dagaalanka argagixisada iyo dawlad ka hana qaada dalka Soomaaliya, maxaa yeelay haddii la helo dawlad maamul wanaagsan oo dalka si hufan u maamusha waxa ay taasi u muuqaneysaa in argagixisada ay lumineyso goob ay ku ammaan gasho” ayuu yiri Sean McCormak.

Dawladda Mareykanka ayaa si weyn ugu lug leh dagaalada soo noqnoqonaya ee kadhacaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeya maxkamadaha islaamiga Muqdisho iyo isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved