|
U qeybsamaha QM u qaabilsam
arrimaha Banii'adminimada ee Soomaaliya Eric Laroche oo ugu baaqay
dhinacyada Muqdisho isku haya in aysan fariimo milatari ka dhigan goobaha
caafimaadka.
Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha gargaaraka banii'aadminimo ee dalka
Somaliya Eric Laroche ayaa canabareeyay dagaalada ka jira guadaha caasimadda
Somaliya ee Muqdisho isagoo baaq ugu jediyay dhinacyada is haya in ay ka qeb
qataan howlaha banii'aadmino ee dalka Somaliya.
Qoraaal kasoo baxay xafiiska uu ku leeyhay ergeygaasi magaalada nairobi
ayaa waxaa uu ku sheegay in uu ad uga xunyahay dagaalada Muqdisho ee
galaaftay nolosha dad badan oo rayid ag isla markaana amni xumi ku abuuray
shaqaalaha QM ee ku howlanaa sahminta meelaha ay abaarah Somaliya sida daran
u saameeyee.
''Isku dubaridaha arrimaha gargaarka Banii'aadminimo ee Somaliya waxaa uu
aad uga walaacsanyahay wararka ka imaanaya Muqdisho,isagoo ka xun bar
tilmaameedsiga Cusbitaalada,taasi oo xad gudb qaawan ku ah shuruucda
aasaasiga ah ee xeerarka caalmaiga ah ee Banii'adminimada'' ayaa lagu yir
Qoraalka.
Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha banii'aadminimada Somaliya Eric Laroche
waxaa uu intaasi raaciyay in xasuusin uu u sheegay dhinacyda isku haya
Muqdisho haddii ay is hortaagan gargaar loo fidin lahaa dad waxyeelo ay soo
gaartay ama caqabad ay arrintaasi ku noqdaan ay arrintaasi u horseedi katro
in ay noqdaan danbiilayaal dagaal Mustqabalka.
Qorlaakaasi aya waxaa uu soo baxay kadib markii dagaalo xoogan ay ka
dhacen magaalada Muqdisho iyadoo maleeshiyaadka Isbaheysiga qaarkood ay
fariisin dagaal ka dhigteen Cusbitaalka Keysaney ee duleedka woqooye ee
Muqdisho.
Xigasho: Wakaaladda wararka China Xinhua.
<http://news.xinhuanet.com/english/2006-05/29/content_4617735.htm
© RSTV 2006. All Rights Reserved |